Home Afsomali DEG DEG:- Madaafiic kusoo dhacay Agagaarka Madaxtooyada

DEG DEG:- Madaafiic kusoo dhacay Agagaarka Madaxtooyada

Waxaa goordhow qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho laga maqlay jugta tiro madaafiic ah oo kusoo dhacay agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya oo ay degan yihiin Madaxda ugu sar3eysa dalka.

Ilaa 7 madfac ayaa la sheegay in jugtooda la maqlay, kuwaas oo ku dhacay meelo kamid ah Madaxtooyada, Xaafada Ex Fiyoore iyo meelo kale, waxaana ka dhashay khasaaro dhaawac ah.

Dad ku sugan Goobaha ay madaafiicda ku dhaceen ayaa Somali San u sheegay in jugta madaafiicda ay ahaayeen kuwo aad u xoogan, haatana ay wadaan sidii lagu ogaan lahaa khasaaraha ka dhashay.

laamaha Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay faah faahin ka bixiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.