Home Afsomali Dawo sawero Dad ku dhintay Shil ka dhacay dalka Pakistan

Dawo sawero Dad ku dhintay Shil ka dhacay dalka Pakistan

Dadkaasi ayaa geeriyooday, kadib, markii uu Baskii ay la socdeen ku-dhawaad 49 qof uu ku dhacay Doox ama Waadi ku yaalla Degmadda Lasbela ee Gobolka Balochistan ee Waqooyiga dalkaasi.

Haweeney iyo 2 carruur ayaa ka badbaaday Shilkaasi, sida laga soo xigtay Kooxaha Gurmadka.

Dab ayaa ka kacay Baska markii uu ku dhacay Waadiga, sida ay sheegeen Goobjoogayaal.

Baskaasi oo ka ambabaxay magaalladda Quetta ayaa waxa uu ku sii jeeday magaallo-xeebeedka Karachi.

Kaaliyaha Taliyaha Boliska Degmadda Lasbela ayaa sheegay inaan la aqoonsan karin maydadka laga soo saaray burburka baska, balse, laga qaadi doono Dheecaanka lagu ogaan karo Hiddo-sidaha DNA, si loo aqoonsado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.