Home Afsomali Xog: Qorshe lagu beddelayo safiirada Khaliijka ee ku xiran madaxweyne FARMAAJO

Xog: Qorshe lagu beddelayo safiirada Khaliijka ee ku xiran madaxweyne FARMAAJO

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan safiiro cusub u magacaabi doona dalalka Khaliijka, si uu u miisaamo saameyntiisa gobolka.

Xasan Sheekh ayaa qorsheynaya in inta badan safiirada uu beddeoi bishan Febraayo gudaheed iyo bisha Maarso, waxaana u jeedka ugu weyn uu yahay inuu meesha ka saaro diblomaasiyiinta aadka ugu dhow madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sida uu ku warramay wargeyska Africa

Xasan Sheekh ayaa wasiirka arrimaha dibedda ka dhigay Abshir Cumar Huruse oo ah ganacsade reer Puntland ah, oo aan laheyn wax khibrad diblomaasiyadeed ah. Xulashada Xasan Sheekh ee Huruse ayaa aheyd mid siyaasadeed, oo siineysa xorriyad uu cidda uu doono ugu xusho safiir, ayada oo aan wax iska caabin ah laga fileyn dhanka Huruse.

Taa beddelkeeda, waxaa safiirada la xuli doona wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Cali Cumar Maxamed oo loo yaqaan Cali Balcad, oo ah gacanta midig ee madaxweyne Xasan Sheekh. Cali Balcad waxaa la rumeysan yahay inuu yahay wasiir arrime dibadeedka dadban ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.