Home Afsomali Warsaxaafadeed ka soo.baxay Gollaha Qurbajoogta Puntland oo ku aadan weerarka Somaliland ee...

Warsaxaafadeed ka soo.baxay Gollaha Qurbajoogta Puntland oo ku aadan weerarka Somaliland ee laas caano

Waxaa Gollaha Qurbajoogta Puntland – Puntland Diaspora Forum
(PDF) ay muujinayaan sida uga xunyahiin weerarada qaawan iyo colaad
hurin ay maamulka Muuse Biixi ka wado Gobollada SSC, gaar ahaana
magaalada Laascaanood.   Waxaa kaloo ayaan daro ah, oo dhaqanka
Soomaaliyeed ugub ku ah in issimo (Guurti) dhaqanka oo masiirka
ummadooda iyo deegaamadooda ka tashanayay lagu tilmaamo argagixiso,
weerarna lagu soo qaado si loo banaysto dhiigooda iyo dhiiga
shacabkooda.
Sidaa awgeed;
       Waxaan maamulka qar-iska xoorka ah ee uu hogaanka u hayo Muse Biixi
uga digaynaa hurinta colaad cusub taas oo waxa qura ee ka dhalankara ay
tahay dhiig walaalo Somaaliyeed oo daata iyo bulshada deriska ah ee
nabadda iyo walaaltinimadda qarniyo ku wada nooleyd oo isdisha, qax iyo
qalalaase cusubna la solonsiiyo.
       Shacabka iyo Dowladda Puntland waxaa ku waajib ah inay taageero maadi
iyo macnawiba ah siiyaan shacabkaas calanka iyo wadajirka ummadda
Soomaaliyeed awgeed loo xasuuqayo, una gurmadaan soona dhaweeyaan
qoysaska deegaankooda laga soo baro kiciyay ee Garoowe ku sugun.
       Hogaaanka Dowlada Federaalka ah waxaa muuqata mid kala fadilaysa
shacabka iyo deegaamada Soomaaliyeed ee ay difaacooda iyo wada jirkooda
ay ku dhaarteen, masuulkana ka yihiin.   Hadii aanay sida ugu deg-dega
badan u halin, waxaan aamuskooda loo fasiran doonaa ka raali noqosho
xadgudubka iyo xasuuqa ka socda Laascaanood.
       Waxaan shacabka Soomaaliyeed ee midnimada iyo qaranimada ummadda
Soomaaliyeed jecel ugu baaqaynaa in ay maskax, maal iyo muruqba ku
taageeraan walaalahooda reer SSC, ogaadaana waxa  Maamulka Somaliland ay
duulaanka ku yihiin ay tahay calanka, midnimadda iyo qaranimada Ummadda
Soomaaliyeed, una gurmadaan shacabka walaalahood ah ee lasoo
barakicinayo, deegaamadoodana xooga la rabo in lagu hoos geeyo maamulka
Soomali diidka ah.
       Waxaan walaalaha wada degan Sanaag, Sool iyo Togdheer, kuwaas oo xidid
iyo xigaalba ah, fahamsana macaanka iyo micnaha wada noolaanshaha uga
digaynaa inaysan ku kadsoomin hadimooyinka iyo colaada uu hurinayo
maamulka Muuse Biixi, dagaalkuna maaha mid ku socda Reer SSC oo qudha,
ee waa mid la rabo in madaxa la isku geliyo dadka walaalaha ah.
       Waxaan Beesha Caalamka u sheegaynaa in xasuuqa ka socda Laascaanood,
iyo wixii cawaaqib xumo ee halkaa ka dhaca ay eedeeda iyo masuuliyadeeda
leeyihin Maamulka uu hogaanka u hayo Muuse Biixi oo qudha.

Puntland Diaspora Forum (PDF) – Media and Public Relations Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.