Home Afsomali Dagaalka Laascaanood oo sababay in mas’uuliyiin ay is casilaan

Dagaalka Laascaanood oo sababay in mas’uuliyiin ay is casilaan

uddoomiye ku xigeenkii Somaliland ee Gobolka Sool Saleebaan Diiriye Cabdi ayaa ku dhawaqay in uu is caisilay .

Saleebaan Diiriye Cabdi oo warbaahintaa la hadlay ku  eedeeyay  Somaliland in xasuuq ay gesatay ka dib markii madaafiicdii  lagu garaacay magaalada laascaanood.

Sidoo kale ‘ Waxaa uu  waxba kama jiraan Tilmaamay in warar Somaliland ay  faafisay ee la xiriira in argagixiso laga saarayo Laascaanood waxaana uu sheegay in shacabkii degaanka la xasuuqayo.

“Waxa aan caddaynayaa in dadkii la xasuuqayo oo ruux nool, neef xoola ah iyo guryaha isku si’ loo beegsanayo, ma jirto argagixiso waxa dagaallamaya ciidanka Soomaliland  iyo dadkii deegaanka, anna dagaalka ayaan ku biirayaa, xalka waa in uu  Muuse la baxo ciidankiisa” ayuu yiri Saleebaan Diiriye Cabdi.

Mas’uulkan Iscasilay ayaa dhawaan waxaa Soomaliland ay u magacawday gudoomiye ku xigeenka gobolka Sool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.