Home Afsomali Dowladda Soomaaliya oo digniin soo saartay ( Warsaxaafadeed)

Dowladda Soomaaliya oo digniin soo saartay ( Warsaxaafadeed)

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin ka soo saartay fuustooyin ku soo caariyay xeebta degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in fuustooyinkaas ay muddo badan yallaan degmada Cadalle, isla markaana dadka degaanka ay walaac badan ka muujiyeen, iyaga oo uga shakiyay inay kujiraan waxyaabo kiimiko & sun ah.

“ Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada waxa ay sida ugu dhaqsaha badan qorshaynaysaa in ay koox khubaro u saarto arrintan, kuwaas oo baara walxaha looga shakisan yahay fuustooyinkan, si deg deg ahna ku gaari doona degmada Cadale si ay u hubiyaan maaddooyinka ay ka kooban yihiin.

Ugu dameyn Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa  sheegtay inay xiriir la sameysay maamulka degmada Cadale,, isla mmarkaana isla meel dhigaeen in si kumeelgaar ah loo xiro aagga ay fuustooyinku yaallaan inta baaris rasmi ah looga sameynayo si loo hubiyo badqabka bulshada iyo deegaanka, waxaana dadka deegaanka la faray in ay ka fogaadaan haamahaas inta laga hubinayo waxyaabaha ku jira, si loo ilaaliyo Bedqabka cafimaad ee bulshada dagan Cadale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.