Home Afsomali Ciidamo horleh oo ku biiray dagaalka ka socda Laas-Caanood

Ciidamo horleh oo ku biiray dagaalka ka socda Laas-Caanood

Ciidamo gurmad u ah xoogagga SSC kana tirsan Puntland, balse u abaabulan hab beeleed ayaa gaaray Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Ciidamadaan oo wata Gaadiidka dagaalka iyo hib aad u farabadan ayaa xalay ka soo baxay magaalada Qardho,si ay qayb uga noqdaan xoraynta gobolka Sool.

Mas’uuliyiin kala duwan iyo Saraakiil Ciidan ayaa kusoo dhaweeyay Ciidamada Magaalada Laas-Caanood, iyaga oo saacadaha soo socda tegi dooan furimaha dagaalka ee duleedka Magaalada.

Xaaladda Magaalada Laas-Caanood ayaa saaka degan, balse markasta dagaal la filan karo maadaama weli ay duleedka Magaalada isku hor-fadhiyaan dhinacyadii dagaalamayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.