Korsheel waxa uu ku dhashay magaalada Ceerigaabo ee bariga gobolka Sanaag ee Somaliland. Korsheel waxa uu qur’aanka kariimka ah ku dhamaystay magaalada Ceerigaabo, waxaanu ka bilaabay dugsigii sare ee SOS Sheekh oo uu ku dhamaystay waxbarashadiisii dugsiga dhexe. Dugsiga sare ee SOS Sheekh waxa uu ku yaalaa meel u dhow magaalada Sheekh oo ah meel ka durugsan wakhtigan xaadirka ah ee Somaliland. Korshel waxa uu waxbarashadiisii dugsiga sare ku dhamaystay magaalada Cadan ee dalka Yemen. Korsheel markii uu dhammaystay dugsigii sare waxa uu dib ugu noqday waqooyiga Soomaaliya oo uu ku biiray ciidanka booliska. Waxaa la siiyay deeq waxbarasho si uu u aado Kulliyada Booliska Qaranka ee Ryton-on-Dunsmore, Warwickshire, England si uu u dhameysto tababarkiisa.
Waxa uu hogaamiye ka ahaa Somali National League (SNL) markii British Somaliland ay xornimadeeda qaadatay 1960. Ka dib aasaaskii Jamhuuriyaddii Soomaaliya iyo dilkii madaxweynihii labaad ee qarankan curdinka ahaa, Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Korsheel waxa uu hadhow ka soo bixi lahaa mid ka mid ah dawladihii Soomaaliya. Shaqsiyaad muhiim ah oo ka qayb qaatay afgambigii Soomaaliya ka dhacay 1969kii ee ay xukunka la wareegeen taliskii milateriga ee Sarreeye Gaas Maxamed Siyaad Barre. Waxa loo magacaabay guddoomiye ku-xigeenka Golaha Sare ee Kacaanka cusub (SRC) ee xilka la wareegay, una xilsaaray arrimaha gudaha.[1]
Sannadkii 1970kii, isku day afgambi oo la sheegay in uu ka dambeeyay Korshel ayaa la kashifay.[2] Korshel waxa la xidhay Abriil 1971, [3] ilaa 1975, markii xabsiga laga sii daayay. Korshel ayaa markii dambe bilaabay shaqo ganacsi.
Sanadkii 1989-kii ayuu ku geeriyooday magaalada London ee dalka Ingiriiska, ka dibna waxaa loo duuliyay magaalada Maka, halkaasoo ay ka dhacday munaasabad diini ah oo lagu maamuusayay ka hor inta aan ugu dambeyntii aas qaran loogu sameyn magaalada Muqdisho.
Ina Korsheel oo lagu magacaabo Siciid Korsheel, waxa uu markii dambe mari lahaa wadadii Aabihii, isagoo siyaasadda ka galay, kana soo shaqeeyay maamul-goboleedka Puntland intii u dhaxaysay 2002-2007 oo uu wasiir ka noqday, halka dawladda federaalka Soomaaliyana uu ka noqday wasiirka gaadiidka.
haatana gaabdhii saciid oo aheyd Ruun Siciid Qoorsheel oo loo Magcaabay Sii haya Safiirka Soomaaliya ee Qadar
Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa u yeedhay Safiirka dowladda Soomaaliya u jooga dalka Qatar Danjire Cabdirisaaq Faarax Cali Taano.
Wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa warqad ay u dirtay dowladda Qatar waxay ku wargelisay in Safiirka Soomaaliya ee Qatar loogu yeedhay inuu wadatashi u yimaado magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale Wasaaradda ay si ku meel gaadh ah sii hayaha Safaarada Soomaaliya ee Qatar ugu magacawday Ruun Saciid Qooraheel, oo horay Qunsul uga ahayd Safaarada Soomaaliya ee DC
Danjire Cabdirisaaq Faarax Cali Taano ayaa ka mid aha Safiiradda ugu awooda badnaa dowladii hore ee uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Si kastaba ha ahaatee talaabadaan ay qaaday dowladda Soomaaliya ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud lagu wado inuu booqasho ku tago saacadaha soo socda magaalada Doxa ee dalka Qatar