Home Afsomali XIL WASIIR BEYLE OO heeso wadanai alifi jiray ayaa si fudu hargeysa...

XIL WASIIR BEYLE OO heeso wadanai alifi jiray ayaa si fudu hargeysa uga dagay

Wararka naga soo gaaraya gudaha magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in galabta uu magaaladaas ka dagay wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, kaas oo deegaan ahaan kasoo jeeda maamulkaasi.

Bayle ayaa toos uga dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay, ka Dib cafis madaxweyne

Sidoo kale ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in wasiir Bayle uu cafis guud u fidiyay madaxweynaha Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi, kadibna uu sidaas galabta uga dagay magaalada Hargeysa, taas oo dad badan lama filaan ku noqotay.

Siyaasigan oo maalmahan dameb dibad joog ah ayaa siyaasadda Soomaaliya isaga baxay markii uu isbeddal ka dhacay dalka 15-kii May ee sanadkii hore ee 2022-kii.

Dr Bayle oo sidoo kale ah aqoonyahan ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay dowladda federaalka, sida wasiirka maaliyadda, wasiirka arrimaha dibadda, xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka iyo guddoomiyaha guddiga doorashadii uu kusoo baxay Farmaajo.

Ninkan siyaasiga ah oo hanti badan ku leh Hargesa ayaa lagu soo warramayaa inuu maray habraac ay Somaliland u dajisay siyaasiyiinta xilalka ka qabta Somalia, kadibna la cafiyay.

Si kastaba, ma’aha siyaasigii ugu horreeyay oo xil sare ka qabtay dowladda federaalka oo haddana dib ugu laabta Somaliland, waxaana ka horreeyay Maxamed Cumar Carte Qaalib oo ra’iisul wasaare ku xigeen kasoo noqday Soomaaliya iyo kuwa kale oo kasii horreeyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.