Codka ka dhegyso Linkiga Hoose
Mid ka mid raga markabka afduubtay oo lagu magaacaabo Xaraare Axmed Maxamuud kana mid ah dadka kunool degmada Caluula ee gobolka Bari ayaa Warbaahinta u sheegay in dhalinyaro Kalluumeysato ah Markab ay soo Afduubteen in ay keeneen Degmada Caluula.
Wararka qaar ayaa sheegaya in dadka afduubtay ay yihiin dhalinyaradii badda ka kaluumeysanayay, kuwaasoo muddooyinkii u dambeeyay dhibaatooyin kala kulmayay maraakiibta shisheeye ee xaalufinta ka wada Badda Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in dhalinyaro ka badan 40 in ay Markabka Saaran yihiin ,islamarkaana ay doonayaan in ay kula gorgortamaan Maamulka Puntland. Ciidamo ka tirsan Puntland ayaa la sheegay in ay ku baxeen degmada Caluula.
Saraakiisha ammaanka ee Somalia ayaa sheegay in koox burcad-badeed soomaali ay badweynta India ka afduubteen Markab weyn oo nooca shidaalka qaada ah .
Markabkaan ayaa la sheegay in laga leeyahay dalka Jarmalka.
Dadka deegaanka Caluula ayaa ku waramaya in Markabkan labo maalin ka hor uu soo gaaray xeebta Caluula, waxaana la ogeyn dadka saaran.
Ilo-wareedyada ayaa sheegaya in ugu yaraan 8 qof ay ku lug-leeyihiin howlgalka afduubka markabkan.
Waxaa xusid mudan in Howl-gallada burcad badeedka ee afduubka maraakiibta ee xeebaha Somalia ayaa ahaayeen kuwa sii yaraaday saddexdii sano ee la soo dhaafay.
Markabkii ayaa iminka lagu hayaa magaalo Xeedeeda Caluula.
https://youtu.be/Z7mcG4NESDM
https://youtu.be/m5Lma7tiNc8
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0