Imaaraadka Carabta – Iran ayaa Isniintii ku dhawaaqday in hoggaamiyaha sare ee dalkaasi uu cafis u fidiyey in ka badan 22,000 oo qof oo loo xiray mudaharaadadii dawladda looga soo horjeeday ee dalkaas ka dhacay, hase ahaatee ma jiro cid si rasmi ah u xagiijin karta warka sii daynta ee ka soo baxay xukuumadda dalkaas.
Bayaan ka soo baxay madaxa garsoorka ee dalka Iran ayaa markii ugu horraysay si weyn loogaga hadlay baaxadda ay le’eg tahay hawlgallada ay dawladda ee ka dhanka ahaa mudaharaadayaasha ka soo horjeeday xukuumadda, kuwaas oo soo bilaabmay, ka dib geeridii Mahsa Amini oo 22 jir ahayd.
Illaa haatan waxaa dalkaas ka jirta cadhada ka dhalatay geerida gabadhaas yar iyo weliba habka ay laamaha ammaanka ee dalkaasi ula macaamileen, mudaharaadada, arrintaas ayaa taabatay guud ahaan, xasiloonida dalka iyo dhaqaalahaba.
Wakaaladda wararka ee dalka Iran ayaa ka soo xigatay madaxa garsoorka ee dalkaas, inuu hore u sheegay in hoggaamiyaha sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei inuu cafis u fidin doono, qaar badan oo ka mida maxaabiista la qabqabtay intii ay socdeen mudaharaadadu, iyada oo lagu soo beegayo bisha barakaysan ee Ramadaanta, taas oo bilaabanaysa dhammaadka toddobaadka soo socda.