Home Afsomali 10 Ruux oo ku geeriyootay buundadii Baardheere oo Roob  dumiyey 

10 Ruux oo ku geeriyootay buundadii Baardheere oo Roob  dumiyey 

Wararka naga soo gaaraya degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Roob xooganaa oo saacadihii la soo dhaafay ka da’ay Xafado katirsan degmadaas ay ku dhinteen dad u badan Dhalinyaro.

Roobka oo Biyo dhigay xaafadaha degmada Baardheere ayaa dhalinyarada ku geeriyootay oo gaaraya ilaa 10 Ruux oo ay Carruur kujiraan ayaa ku dhacay meel tog ah ama Biyo galeen ah oo kutaalla degmada Baardheere.

Xoghayaha dowladda Hoose ee degmada Baardheere Buulle Ibraahim Xuseen oo la hadlay somalisan  ayaa sheegay inay hadda wadaan dadaal ku aadan sidii loogu gurman lahaa dadka ku waxyeeloobay Roobka.

Sidoo kale Xoghayaha wuxuu sheegay in Roobka oo saacado badan d’ayay siwyen looga dareemay degmada Baardheere iyo degaannada hoostaga, hayeeshee ka maamul ahaan ay wadaan dadaalo kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.