Home Afsomali Muuqaal kale oo ah Arimo sir ah Xamsa oo alshabaab magac cusub...

Muuqaal kale oo ah Arimo sir ah Xamsa oo alshabaab magac cusub ugu yeeray soona hadal qaadin hotelkii iyo dhibanayaashii lagu burburiyey madaafiicda Goobta halkii laga furdaamin lahaa

Muuqaal kale oo ah Arimo sir ah Xamsa oo alshabaab magac cusub ugu yeeray soona hadal qaadin hotelkii iyo dhibanayaashii lagu burburiyey madaafiicda Goobta halkii laga furdaamin lahaa

Warbixintaan waxaan ku eegi doonaa arimo badan sida sababta madaafiicda goobta loogu garaacay hotel hayeet iyo dhibanayaashii ku dhuumanayey gudaha hotelka

Sidoo kale waxaan ku eegi doonaa isbaheysiga beelaha mudulood iyo habar gir  iyo wadada isku xirta Muqdisho iyo hobyo oo loo bixinayo wadada hiraab

Iyo yaal leh masuuliyada iska cabin la,aantii weerarkii hotel hayaad iyo burburintiisa

Aan ku bilownee Dadka dhaliila dowladaan ayaa ku tilmamaay magaceedu yahay salbalaar 2 marka loo eego dhismaha Xubnaha ka mid ka ah sidoo kale ayey sheegeen dagaalkii iyo burburinta Hotgel Hayaat in ay salka ku heyso tartan arimo ganacsi madaama hoteelo isku dhow dhwo ay halkaa ku yaalaan .

Dhanka kale Raiisal wasaare Xamse ayaa ispitalka ku booqday dhibanaayshii iyo dhaawacyadii hotel hayaat

Xamse Cali bare waxa uu warbixinno ku saabsan xaaladda caafimaad ee dadka dhaawacmay ka dhageystay maamulka iyo dhakhaatiirta isbitaallada Erdogan iyo Medina.

Xamse Waxuu amray in dhaawacyada dalka dibadiisa lagu soo daweeyo

In kasta oo uu sheegay in masuuliyada dhibkii dhacay ay dowladu leeddhay la lana xisaabtami doono mana uusan qaadin talaabo xilka ka xayubin ah am xarig xabsi oo xil gudasho la,aan ah

Dhawwan ayey aheyd kolkii la mideeyey gola maha hogaaminta habargir  oo lagu soo aasaasay magaalada Hobyo iyo golaha hogaaminta mudulood oo isne lagu aasaasay Mowlada macalin nuur ee Xaafada sigaale  shir  ka dhacay Muqdisho

laguna mideeyey midnimo ka dib raadinta xaquuqda labada beelood uga maqan  Jubbaland iyo koofur galbeyd waxayna dabadeen in loo dhiso gole deegaan oo ka taliso danahooda fikirka talada ilaalinta dowladnimo in la soo nooleyo wadada via hiraad ee xiriirisa muqdisho ilaa hobyo

dhanka kale 13 wasiir ayaa dowlada laga siiyey isbaheysiga cusub ee hiraabiisinka ah halka murusade laga magacaabay hal wasiir oo xasan sheikh ku mab.da ah taasi oo cadeyn kale u ah

waad ku mahadsan tihiin ee noo shere gareya si fariintaan ay meelo badan u gaarto naguma soo biir si aad u heshid waxbixinada aan soo bandhigno

Ilo wareeydyo ayaa sheegayaa in saraakiisha iyo taliyaasha ciidamada qaarkood ay dagaalka uga gaabsadeen dareen ay qabaan oo la xiriira in fooda ay ku soo heyso Xilka qaadis maadaama qaarkood madaxweyn Xasan sheikh ay ku weerareen hotel maaido meelo kalana ay amaro dul dhigeen dhaqdhaqaaqiisa .balse taliye shib ama mahad salad oo aan aamusnaan looga baran ayaa shib yiri wixii ka danbeeyey magacaabistiisii hay.ada nabadsigida iyo sirdoonka qaranka welina kama hadlin dhimashada iyo dhaawacyada kala duwan ee ka dhacday hotel hayaad magaalada Muqdisho oo masuuliyad ay ka saaraan tahay ka warqabka xasilinta amaanka guud ee dalka .

Hotelka xiligii alshabaab ay weerareen ayaa waxaa shir uga Socday beelo Soomaliyeed kuwaas oo ay soo gaartay 21 dhimasho rag iyo dumar leh dhaawacuna tiro intaas ka badan

Sidoo kale beesha hotelka lagu tiriyo ayaa iyane ay soo gaartay dhimashada iyo dhaawacyada ugu badan waxayna ku weysay halyeyo magic iyo maamuus sareeyo ku lahaa bulshada dhaxdeeda

Gudoomiyaha odoyaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad musuuliyintii hotelka lagu weeraray lagana soo badbaadiyey allle ayaa wax badbaadiyee oo warbaahinta la hadlayaa sheegay in ciidamada dowlada hoteelka soo gaareen 2 saac iyo bar ka dib  weerarka isla markaana ciidamadii hore ay dad badan soo furteen halka markii danbe ciidankii lagu badalaya ayaa bilaabeen duqeyn aan cidna loo aabayeeleyn mana jirin cid danbe oo hotelka laga soo badbaadiyey  isaga oo nool

Goordanbe oo lakala tagay ayuu tagay taliye ha sheegin oo run looga baran sida ka muuqata magaca bulshadu u bixisay wuxuuna xusay in uu sheego warbixin n uu ka soo xigta Goobaha caafimaad oo aan shaqo ku laheyn arimo amni wuxuna ka gaabsaday in uuu wax ka ifiyo wixii dhacay

Raiisal wasaare Xamse Waxa uu tacsi u diray eheladii iyo qoysaska dadkii ku shahiiday weerarkaasi  isaga oo Alle uga baryay inuu naxariistiisa janno siiyo   kuwa dhaawaca ahna Allaah u booga dhayo.xili uusan tagin goobtii dhuibku ka dhacay ee dhulka lala simay

Side aad u aragto warbixintaan fikirkaagu waa muhiim aragtidaada hoos noogu reeb qeybta commentiga  hadaad nagu cusub tahay follow iyo like soo saar noona shere garey si muuqaalkaan uu Saaxiibo badan  u gaaro mahadsanidiin

somalisan@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.