Home Afsomali Guddoomiye Cali Jeyte oo Beledweyne u tegay  in uu shido Shumaca wajiga...

Guddoomiye Cali Jeyte oo Beledweyne u tegay  in uu shido Shumaca wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo bilihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Beledweyne, si uu u hoggaamiyo wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee galbeedka Hiiraan dhawaan ka billaaban doona.

Wafdiga guddoomiye Jeyte waxaa qeyb ka ahaa wasiirka arrimaha gudaha Hirshabelle Cabdi Daahir Guure Karoore iyo masuul kale.

Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda iyo siyaasadda maamulka gobolka Hiiraan Xasan Ibraahim Cabdulle Ururka Dhallinyarada gobolka Hiiraan iyo Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad ee CXD kor. Maxamuud Xasan Ibraahim Baakay saraakiisha kale ee amniga iyo madax maamulka kamid ayaa guddoomiye Jeyte kusoo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Beledweyne.

Dhawaan ayaa la filayaa in uu Gobolka Hiiraan ka billaawdo wajiga labaad howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo hakadka uu ku yimid, waxaana horkici doona Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.