Home Afsomali Taliye Ciidan oo lagu dilay Garawe iyo Ninkii dilay oo gacanta lagu...

Taliye Ciidan oo lagu dilay Garawe iyo Ninkii dilay oo gacanta lagu dhigay

Waxaa Maanta Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland lagu dilay Alle ha u naxariistee, taliyihii saldhiga galbeed ee caasimadda Garoowe laba xiddigle Axmed Cali Shire.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in uu dilka ka dambeeyay Nin hubeysan oo la sheegay in uu kamid ahaa dadka waxyaabaha maanka dooriya isticmaala, waxaana Ciidamada Booliska ay sheegeen in markiiba ay gacanta ku dhigeen ninkii dilka geystay.

Saraakiisha Booliska ayaa sidoo kale sheegay in baaritaan lagu hayo shakhsiga dilka geystay, isla markaana sharciga la hor-gayn doono.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Garoowe kusoo badanayay Kooxaha isticmaalaya maandooriyaha khamriga, iyada oo dhowr jeer ay  magaalada Garoowe kula dagaalameen Ciidamada Booliska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.