Safiirka Mareykanka Larry Andre ayaa Khadka Taleefonka kula hadlay Madaxweyne Muuse Biixi, oo uu kala hadlay colaadda Laascaanood iyo arrimaha doorashada Somaliland ee dib u dhacay.
Safaaradda Mareykanka ayaa qoraal ay Twitter soo dhigtay ku sheegtay in Danjire Larry ugu baaqey Muuse Biixi inuu Ciidanka kasoo saaro duleedka Laascaanood si xabad-joojin loo gaaro.
“Madaxweynaha Somaliland Biixi wuxuu awoodaa inuu abuuro jawi lagu kala qaado Ciidanka isku horfadhiya Laascaanood, sidoo kale oo ku dhawaaqo habraaca doorashada mustaqbalka Somaliland, waxaana ku dhiirageliyay isaga inuu labada sameeyo,” ayuu yiri Safiirka.