Home Afsomali Guryo la bubay oo lagu eedeeyey in ay aslshabaab ka danbeeyeen 

Guryo la bubay oo lagu eedeeyey in ay aslshabaab ka danbeeyeen 

Guryo la bubay oo lagu eedeeyey in ay aslshabaab ka danbeeyeen

Kooxo hubeysan ayaa la sheegay iney saaka waaberigii soo weerareen Deegaanka Huldooyaale ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya in kooxahan hubeysan ay dab qabadsiiyeen guryo iyo dhismayaal ay leeyihiin dad shacab ah oo halkaas ku yaallay

aamulka degaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud iyo saraakiisha Booliska degaanka Bajelo ayaa saaka gaaray halkaas si ay u soo qiimeeyaan dhibaatada halkaas ka dhacday

Guddoomiye degaanka Baxdo iyo saraakiisha Booliska ayaa ku eedeeyey falkan iney ka dambeyso kooxda Al-shabaab.

“Waxaa halkan yimid maleeshiyo qabaail ay soo adeegsadeen kooxda khawaarijta Al-shabaab, waxayna gubeen guryo ay lahaayeen dadka degaanka iyo hanti kale” ayuu yiri Gudoomiye ku-xigeenka.

Waxaa uu sheegay in ujeedada ay Al-Shabaab ka leedahay falkan ay tahay iney iska horkeenaan qabaa’ilka degaanka ee ku mideysan dagaalka ka dhan ah, isla markaana u carqaladeeyaan wejiga labaad ee dagaalka Al-shabaab looga saarayo dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.