Home Afsomali Madaxweynaha Cusub ee Mareykanka oo ku dhawaaqaya go,aamo saameynaya Soomaalida

Madaxweynaha Cusub ee Mareykanka oo ku dhawaaqaya go,aamo saameynaya Soomaalida

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa lagu wadaa inuu saxiixo dhowr digreeto saacadaha ugu horreeya, marka xilka loo caleema saaro Arbacada soo socota.

Sida uu sheegay ninka uu u xushay inuu noqdo madaxa shaqaalaha Aqalka Cad, Biden ayaa amarrada madaxweyne ee uu saxiixi doono Arbacada ay intooda badani noqon doonaan kuwo uu ku burrinayo amarro uu horay saxiixay madaxweyne Donald Trump.

Kuwa ugu horreeya uguna waa weyn ayaa waxaa ka mid ah laalista xayiraada socdaalka ee uu Trump saaray dalal dhowr ah oo intooda badani Muslimiin ah oo Soomaaliya ay ku jirto.

Xayiradaas socdaalka ayaa saameysay Soomaali badan oo ku jira xerooyinka qaxootiga oo ku hami weynaa in loo soo qaado dalka Mareykanka. Waxay sidoo kale u diiday Soomaalida Mareykanka ku nool qaarkood in dalka la keeno ehelladooda, sida xaasaska iyo carruurta.

Waxaa sidoo kale digreetooyinka ka mid ah kuwa lagu amrayo dib ugu laabashada heshiiska cimilada ee Paris, iyo inuu waajib ka dhigo in maaska afka lagu daboolo lagu xirto dhamaan xarumaha dowladda federaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.