Home Afsomali dagaal xoogan oo ka dhacay Xarunta ee gobolka bay

dagaal xoogan oo ka dhacay Xarunta ee gobolka bay

Faah faahino dheerad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal xooganaa oo degmada Xudur ee Xarunta gobolka bay  ku dhexmaray Ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii sida la sheegay Xubno katirsan Al-Shabaab ay weerareen Saldhigga Ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ee degmada Xudur, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiil katirsan Ciidamada Koonfur Galbeed ay sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Ururka Al-Shabaa, isla markaana  khasaaro xoogan ku gaarsiiyeen dagaalka.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in xaaladda degaanka ay tahay mid degan, isla markaana isku socodka dadka, Gaadiidka iyo Ganacsiga ay si caadi ah u Shaqeeynayaan.

Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa waxa ay kamid tahay degmooyinka ay Go’doomiyeen Al-Shabaab, waxaana Madaxweynaha Koonfur Galbeed & Saraakiisha Ciidamada ay sheegeen in dhawaan go’doonka laga qaadi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.