Home Afsomali Haween iyaga oo timo qaawan socday oo Caano garoor madaxa looga shubay...

Haween iyaga oo timo qaawan socday oo Caano garoor madaxa looga shubay !

Labo haween ah oo u dhashay dalka Iran ayaa madaxa looga shubay caano garoor, kaddib markii iyaga oo madax qaawan dhax socdeen magaalada , waxaana haweenkan sidoo kale la dhigay xabsi.

Baraha bulshada ayaa lagu baahiyay muuqaal laga arkayay labada haween oo dukaan galay iyaga oo madax qaawan, waxaana nin goobtaasi ku sugnaa la hadlay haweenkaasi kaddibna madaxa uga shubay caano uu watay.

War kasoo baxay waaxda caddaalada dalka Iran ayaa lagu sheegay in xabsiga la dhigay labada haween ee socday iyaga oo madax qaawan, waxaana Iran dambi weyn ka ah in haweenka ay madaxa qaawistaan.

Booliiska dalka Iran ayaa sidoo kale xabsdiga dhigay ninka haweenkan madaxa caanaha uga shhubay, waxaana ninka lagu eedeeyay in meel dad badan joogeen uu ku ceebeestay labada gabdhood.

Dalka Iran waxaa bilo kahor ka dhacay bannaan baxyo dhaliyay khasaarooyin badan oo isugu jiray dhimasho iyo dhaawac, kaa oo ka dhashay din la sheegay in booliiska u geesteen haweeney loo xiray in aysan xijaba xirneen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.