Home Afsomali Golaha Wakiillada Maraykanka oo diiday in ciidamada Mareykanka laga soo saaro Soomaaliya

Golaha Wakiillada Maraykanka oo diiday in ciidamada Mareykanka laga soo saaro Soomaaliya

Diyaarad HC-130 ÒHerculesÓ ah oo ka tirsan Ilaalada Xeebaha Maraykanka Hawaaii Ilaalada Xeebaha Mareykanka waa mid ka mid ah dhowr wakaaladood oo waaweyn oo dowladeed kuwaas oo dhawaan lagu wareejiyay gacanta hay’adda ee Waaxda Amniga Gudaha ee dhawaan la aasaasay. Sawirka Ciidanka Badda Mareykanka ee Sawir qaadeÕs Mate Fasalka 1aad Keith W. DeVinney. ( LASII DAAYAY)

Golaha Wakiiladda dalka Maraykanka ayaa diiday qaraar lagu dalbanayay in ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya lagasoo saaro sanad gudihiis, marka laga reebo kuwa ilaalada safaaradda.

Cod ay u qaadeen golaha wakiiladdu, ayaa waxay 321 kamid ah ka soo horjeesteen ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya. Halka ay taageereen 101 xubnood.

Matt Gaetz oo xildhibaanka golaha horkeenay qaraarkan, ayay ujeedadiisu ahayd in laga saaro Soomaaliya, ilaa 900 oo askari oo Maraykan ah, balse xildhibaannada ka soo horjeeda qaraarkan ayaa waxay ku doodayaan in go’aankan uu wax u dhimayo amniga qaranka Maraykanka.

Tani ma ahayn isku daygii ugu horreeyay ee Gaetz uu ku doonayay in ciidamada Mareykanka laga saaro aaggaga colaadeed.

Golaha labada aqal ayaa bishii hore u codeeyay qaraarkiisa ah in la soo saaro ku dhawaad 900 oo askari oo ku haray Suuriya. Codbixintaas ayuu ku guuldareysatay tiro la mid ah 103 ilaa 321.

Madaxweyne Biden ayaa oggolaaday in 500 oo askari oo Maraykan ah dib loogu celiyo Soomaaliya sannadkii hore ka dib markii madaxweynihii isaga ka horreeyay ee Donald Trump uu amray in 700 oo ka mid ah laga saaro Soomaaliya intii uu xilka hayay.

Joe Biden ayaa ku adkeysanaya in loo baahan yahay si loola dagaallamo Ururka Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.