Home Afsomali Reer miyigii oo xoolihii ay la.enayaan iyo reer magaalkii oo lacag la.aan...

Reer miyigii oo xoolihii ay la.enayaan iyo reer magaalkii oo lacag la.aan heyso

Masiibooyinka Dabiiciga Ah Ee Ka Dhashay Abaraaha Soo Noq Noqday Iyo Roob Yaraanta Ayaa Sababtay In Boqolaal Qoys Oo Ku Noolaa Dhulkoodu Ay Barakacaan Kadib Markii Ay Wada Dhinteen Xoolihii Ay Ku Masruufayeen Quutal Daruurigooda Ama Noloshooda Maalinlaha Ah.Khaalid Bulshaawi
Sida La Og Yahay Dadka Xoolo Dhaqatada Ahi Waa Noole Ku Dul Nool Noole Kale Oo Saamayn Toos Ah ayay Wadaagaan Taasoo Hadii Mid Kamid Ahi Dhibaato La Kulmo Ay Saamayn Toos Ah Ku Yeelanayso Kan Kale.
Deegaanada Soomaalida Ayaa Dhowrkii Sanadood Ee U Danbeeyay Waxa Dhibaato Xoogani Kasoo Gaadhay Abaaro Soo Noq Noqday Oo Sababay Dhimashada Xoolo Tiro Badan Iyo Meelo Badan Oo Dadkii Macalluul Ugu Dhinteen.
Somaliland Ayaa Kamid Ah Deegaanada Ay Abaartu Sida Aadka U Naafaysay Iyadoo Dhamaan Xoolo Dhaqatadi Ay Noqdeen  Kuwo Soo Barakacay Oo Si Ay Nafahooda U Badbaadiyaan Ula Soo Cararay Magaalooyinka Waawayn Kadib Markii Xoolihii U Dhinteen Xaalada Abaarta Iyo Xanuuno Ay Sababtay .
Dhibaatada Abaareed Ee Aadka U Adag Waxa Waliba Bulshada Somaliland Ugu Darsamay  Sixir Barar Iyo Sarif Barar Is Baahaystay Oo Naafeeyay Daabaqadaha Hoose Ee Danyarta Ah Ee Ku Nool Magaalooyinka Waawayn.
Xoolihii Soomaalida Ee Laga Dhoofin Jiray Deegaano Ay Somaliland Kamid Tahay Ayay Dawlada Sucuudigu Joojisay Taas Oo Xaalada Kusii Adkaysay Dadka Xoolo Dhaqatada Ah Ee Somaliland.
Balse Arinta Layaabka Leh Ayaa Ah Iyadoo Xaaladaas Adagi Jirto In Hadana Ay Somaliland Oo Dhan Ka Socdaan Olole Siyaasadeed Iyo Xaflado Waawayn Oo Kharash Badani Ku Baxo.
1975-Kii Ayay Abaar Aad U Adagi Soo Martay Dalkii Soomaaliyeed Gaar Ahaan Goboladii Waqooyi Oo Haatan Ah Somaliland Iyadoo Lagu Tilmaamo Abaartii Ugu Adkayd Ee Soo Marta Laguna Magacaabay “Dabadheer” Haseyeeshee Dawladii Kacaanka Ee Xilligaas Talada Dalka Haysay Oo Uu Hogaaminayay Maxamed Siyaad Barre Ayaa Dalka Xaalad Deg Deg Ah Kusoo Rogtay Waxaana La Fasaxay Ardeydii Dugsiyada Iyadoo Shaqaalihii Dawlada Iyo Gaadiidkii Ciidankana Gurmad Loogu Fidiyay Bulshada Abaartu Ku Habsatay.
Inkastoo Dawladaas Lagu Eedeyn Jiray Kalitalisnimo Hadana Farqiga Iyo Kala Duwanaansha Naxariiseed Ee U Dhaxeeya Hogaanka Iyo Xisbiyada Siyaasada Somaliland Dhanka Aragtida Gurmad Fidinta  Shacabkooda Abaaraysan Ayaa Aad U Kala Fog.
Ugu Danbayntii Waxaan Ka Codsanayaa Guud Ahaan Umada Soomaaliyeed Iyo Qof Kasta Oo Muslim Ah Oo Luuqadeydan Fahmaya Inay Ilaahay U Baryaan Walaalahooda Dhibaatada Abaartu Ay Noloshoodii Badashay Ee ku Sugan Xaalada Qalafsan Wixii Karaankooda Ahna Ay Ku Caawiyaan.
Khaalid Abdi Muhumed (Bulshaawi)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.