Home Afsomali Siyaasiyiinta mucaaradka Puntland oo Eedeeyay Deni baaqna diray ( Warsaxaafadeed)

Siyaasiyiinta mucaaradka Puntland oo Eedeeyay Deni baaqna diray ( Warsaxaafadeed)

Shir ay magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ku yeesheen Siyaasiinta mucaaradka Puntland ee ku midoobay madasha siyaasada Puntland, ayay ku  sheegeen in doorashada golayaasha degaanka ee soo socota ay horseedayso xasilooni darro iyo amni xumo.

Siyaasiyiintan ayaa madaxweyne Deni waxay ku eedeeyeen inaan lagu aaminin karin geeddi socodka dimuqraadiyadeed ee Puntland, isla markaana uu joojiyo xukunka kali talisnimada ah.

Siyaasiyiintan ayaa sidoo kale dowladda federalka Soomaaliya waxay ugu baaqeen inay faragalinta siyaasadeed iyo hadalada xanafta leh ka dayso Puntland, iyagoo sheegay inay Puntland isaga filan tahay xalka khilaafka dhexdeeda yaal.

Bayaan kasoo baxay gabagabada shirkan ayaa madaxweyne Deni waxaa lagu baaqay inuu joojiyo doorashooyinka golayaasha deegaanka ee aan heshiiska lagu ahayn sida ay sheegeen, iyo in sidoo kale la joojiyo furista dastuurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.