Home Afsomali Ciidamadda Dawladda oo Halwgallo dad badan lagu soo qabtay ka saameeyay Muqdisho

Ciidamadda Dawladda oo Halwgallo dad badan lagu soo qabtay ka saameeyay Muqdisho

Ciidamadda Nabad Sugida  iyo kuwa militariga ee sida Booliska u Tababaran oo saacadihii la soo dhaafay ka sameeyay qeybo ka mid ah degmooyinkgobolka Banadir W, Waxana ay  ku soo qabteen xubno lagu Eedeeyay in ay ka Tirsaan yihiin Alshabaab iyo kooxo ka ganacsada  waxyaabaha maanka dooriya.

Ciidamada ayaa boqolaal dhalinyaro ah oo ay tuhmeen, hayeeshee baaritaano dheer kadib way sii daayeen dhallinayaradii la qabqabtay marka laga reebo labo nin oo lagu tuhmayo iney ka mid yihii Al-Shabaab iyo shan kale oo lagu qabtay iibinta iyo isticmaalka waxyaabaha maanka dooriya.

Howlgalkan  ayaa Ciidamadu ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.

Hase ‘ahaatee’ Amaanka Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay  ka wanaagsan sidii hore ka dib markii ciidamada dawladu halwgalo ka dhan ah Dadka falalka amni daro ka geysta Muqdisho ay ka sameeyeen dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.