Home Afsomali Dhageyso Maxkamada Alshabaab oo Nin horey gacan ugu jartay lug ka goyn...

Dhageyso Maxkamada Alshabaab oo Nin horey gacan ugu jartay lug ka goyn kale ugu dartay

Linkiga Hoose ka dhageyso xukun ka lug iyo gacan goynta ah 

-Shabaab Militants Cut Off Hands And Legs Of Two Men

15 March – Source: Garowe Online – 225 Words

Al-Shabaab militants have chopped off the left leg and right hand of two young men accused of stealing money in Southern Lower Shabelle region. The two young men identified as Abdi Ali Mohamed, 25, and Mohamed Hassan Omar, 20, were amputated in the militant-held Darulsalam village. Large crowds of people witnessed the harsh punishment. Mohamed had his left leg cut off for allegedly stealing from a shop; his right hand was amputated in previous alleged theft, while Omar accused of stealing an ox had his right hand amputated.

Al-Shabaab militants brutally punished the men convicted of theft upon an order issued by a militant judge who said the two men were found guilty of theft. In areas under its control, Al Shabaab has carried out executions, floggings and amputations.

Meanwhile, the group has briefly taken control of El Wak district in Gedo region, following clashes with Somali government forces, the latest in series of attack on the border town over the past few months. According to the residents, the Al-Shabaab militants stormed an office for a local relief NGO in El Wak town, and confiscated computers and documents belonging to the humanitarian agency. The local NGO officials were unavailable for comments on the attack of their office in El Wak by Al Shabaab, but villagers said the militants left the town following the brief control.

Al-shabaab oo Gudaha Magaalada Marka meel fagaaro ah lug iyo gacan uga goysay labo wiil oo dhalinyaro kuwaa oo lagu eedeeyay xatooyo.

Maxkamad Al-shabaab ay leeyihiin ayaa Cabdi Cali Max’ed ku xukuntay ayaa lagu xukumay lugta bidix madaama la sheegay in horay looga gooyay gacanta bidix, halka Max’ed Xassan Cumar lagu xukumay in laga gooyo gacanta bidix.

Max’ed Xasan Cumar oo ah wiilka lugta laga gooyay ayaa lagu eedeeyay in uu xaday neef Dibi ah oo saddex sano ah jir ah.

Xukunkan ayaa lagu fuliyay Cabdi Cali  Maxamed oo 25 sana jir ah iyo Max’med Xassan Cumar 20 sana jir ah oo ay ku cadaatay dacwad lagusoo oogay oo ku saabsaneyd in fal xatooyo ah ay kula kaceen hanti ay leeyihiin dad muslimiin ah.

Qaadiga Maxkamadda ayaa goobta ka akhriyay dacwadda lagusoo oogay labada nin ee ku kacay falka xatooyada ah, waxaana qaadiga uu sheegay in labaduba ay qirteen dacwada lagusoo oogay.

“Maxkamaddu markii ay dhageysatay dacwada lagu soo oogay eedeysaneyaasha iyo jawaabihii ay bixiyeen oo ahayd mid qiraal ah, waxay maxkamaddu u bandhigtay shareecada islaamka, wuxuu noqday Xadu Sariqah, waxay soo saartay xukunka soo socda:- Cabdi Cali Maxamed waxaa laga goynayaa lugta bidix kadib markii horay looga gooyay gacanta bidix, halka Max’med Xasan Cumar laga goynayo gacanta bidix” ayuu yiri qaadiga maxkamadda oo fagaaraha ka akhrinayey xukunka.

Markii xukunka la fuliyay waxaa goobta isqabsaday takbiirta iyo sawaxanka boqolaal dadweyne ah oo isugusoo baxay fagaarihii lagu fulinayey xukunka.

Max’med Xasan Cumar oo kamid ahaa dhalinyaradii shalay xukunka gacan goynta ah lagu fuliyay ayaa mooro xoolaad oo  kutaal duleedka degmada Janaale ka xaday neef dibi sedax sana jir ah sidaasna waxaa ku buuxsamay nisaabkii gacan goynta sharciga ah, deegaanka xukunkan gacan goynta ah uu ka dhacay ee Daarusalaam ayay dadku soo dhaweeyeen xukunkan  si amniga iyo kala dambeynta lagu helay shareecada islaamka uu usii jiro.

 Al-Shabaab ayaa inta badan fuliya xukunno ay ku ridaan dadka lagu soo eedeeyo xatooyo, siddoo kale Al-shabaab toogasho ku filaya dhalinyarro ku eedeeyaan basaasnimo.

https://youtu.be/Z7mcG4NESDM

https://youtu.be/m5Lma7tiNc8

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.