Home Afsomali Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dagaal ka dhacay Shabeellaha Hoose

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dagaal ka dhacay Shabeellaha Hoose

Wararka naga soo gaaraya degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in degaano hoostaga degmadaas uu ka socdo dagaal xoogan oo u dhaxeeya laba maleeshiyo Beeleed.

Dagaalka ayaa waxaa la sheegay in uu sala ku haayo arrimo la xiriira dhul ay isku heystaan labada maleeshiyo Beeleed, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen inay ku dhinteen ilaa Afar Ruux halka 5 kale ay ku dhaawacmeen.

Goobjoogayaal ayaa Risaala waxaa ay u sheegeen in degaannada lagu dagaalamayo ay yihiin dhul Miyi ah oo dagaal beeleedyada ay kusoo laab laabteen.

Maamulka degmada Walanweyn iyo laamaha Amniga ayaan weli ka hadlin dagaalka, waxaana degaannada hoostaga degmada Walanwen kusoo batay colaad Beeleedyada, iyada oo dhawaan sidoo kale dagaalo ay halkaasi ka dhaceen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.