Home Afsomali Maraykanka oo sheegay in duqayn ka dhan ah Alshabaab uu ka Fuliyay...

Maraykanka oo sheegay in duqayn ka dhan ah Alshabaab uu ka Fuliyay gobolka Jubada Dhexe

Taliska Hawlgalka Ciidamadda Maraykanka ee Afrika (AFricom) ayaa xaqiijiyay in duqaymo dhinaca circa ah ay ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe.

Qoraal ka soo baxay Taliska Africom ayaa lagu sheegay in Hawlgalkan ay la kaashadeen Dawladaa Federaalka Soomaaliya lagu mana sheegin qoraaalka Africom khasaareka dhashay duqaynta

‘’ Qiimeeyn hordhac ah ayaa muujineysa in uusan jirin khasaare soo gaaray dad rayid ah dhimasho ama dhaawac ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Afriom’’.

Dhinaca kale’ Warbaahinta Dawladaa Soomaaliya ayaa baahisay in Ciidamada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ay weerar ka fuliyeen  Magaalada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe oo xarun u ah Al Shabab.

Weerarka oo lagu beegsaday bartilmaameedyo gaar ah ayaa geestay Khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo xarumo la burburiyay ayaa lagu yiri warkan oo ay baahisay Warbaahita Dawlada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.