Home Afsomali in ka badan 30 kun oo Arday oo maanta u Fariisatay Imtixaanka...

in ka badan 30 kun oo Arday oo maanta u Fariisatay Imtixaanka Dugsiga Dhexe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta  si rasmi ah u daahfuray qaadista imtixaanaadka Dugsiyada Dhaxe ee Gobolka Banaadir oo ay maanta u fariisteen 31,688-Arday oo ka kala socda 76-xarumood iyo 1,592 fasal oo dhamaantood kamid ah dugsiyada Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Madaale ayaa mid mid u xogwareestay ardayda maanta u fadhiistay qaadista imtixaanadka Dugsiyada Dhaxe isaga oo u rajeeyay in uu Alla u fududeeyo imtixaanka islamarkaana ay natiija wax ku’ool ah ka keenaan.

Hase’ahatee’ Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Maagaalada Muqdisho ayaa bogaadiyay Dhamaan maamulada iyo macalimiinta Ardayda maanta u fariisatay imtixaanka Dugsiga Dhexe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.