Home Afsomali Puntland oo Xoolo farabadan ka dhoofisay dekadda Magaalada Boosaaso

Puntland oo Xoolo farabadan ka dhoofisay dekadda Magaalada Boosaaso

Ilaa lix Doonyood oo sida xoolo isugu jira Ari iyo Lo’a ayaa xalay laga dhoofiyay dekadda weyn ee Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, kuwaas oo ku wajahan Dowladda Sacuudi Carabiya.

Wasiiro katirsan Xukuumadda Puntland ayaa Doonyaha siday Xoolaha ka sagootiyay dekadda Magaalada Boosaaso, waxaana jira Doonyo kale oo maalmaha soo socda Xoolo ka qaadi doono dekadda Boosaaso.

Wasiirada Dekadaha, Maaliyadda iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland ayaa Warbaahinta kula hadlay dekadda Boosaaso, iyaga oo faah faahin ka bixiyay dhoofinta Xoolaha iyo halka ay ku wajahan yihiin.

Puntland ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ay sidaan oo kale dekadda Magaalada Boosaaso ka dhoofisay Xoolo aad u farabadan, kuwaas oo loo iibgeeynayay qaar kamid ah wadamada Khaliijka oo xiriir wanaagsan uu kala dhaxeeyo Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.