Home Afsomali Weerar Cir iyo dhul ah oo saakay lagu qaaday deegaan Al Shabaab...

Weerar Cir iyo dhul ah oo saakay lagu qaaday deegaan Al Shabaab isku aruursanayeen

Wiilal dhalinyaro ah oo uu horkacayo askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku sii jeeda goob ay ku sugnaayeen dad shacab ah oo ay ku jiraan dad kale oo rayid ah, xilli ay howlgalo ay ku doonayaan in ay wax kaga qabtaan ammaanka caasimadda dalka ee Muqdisho  Xalay fiidkii ayaa isku gadaamay , iyadoo la isku dayay in laga saaro xubnaha kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab. Qaar badan oo ka mid ah dhalinyarada degaanka ayaa si ku meel gaar ah u xiray SPF ka dibna la baaray si loo ogaado inay wax xiriir ah la leeyihiin kooxda.

 

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa saakay weerar culus ku qaaday deegaanka Baladul Amiin oo katirsan gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo la sheegay in ay isku aruursanmayeen xubno katirsan Al Shabaab.

Warbaahinta dowladda ayaa baahisay in howlgalka saakay ciidamada dowladda ka fuliyeen deegaanka Baladul Amiin, lagu beegsaday dagaalyahanno katirsan Al Shabaab oo la helay xogtooda iyaga oo halkaasi isku aruursanaya.

Weerarka saakay lagu qaaday deegaanka Baladul Amiin ayaa la sheegay in ay ka qeyb qaateen diyaarado dagaal oo ay leeyihiin saaxiibada Soomaaliya ka taageera howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab sida telefishinka dowladda baahiyay.

Howlgalkan ayaa la sheegay in Al Shabaab lagu gaarsiiyay khasaaro xooggan, waxaana warka lagu baahiyay telefishinka dowladda lagu sheegay in howlgalka uu wali socdo lana shaacin doono xogta khasaaraha Al Shabaab la gaarsiiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.