Home Afsomali Diyaarad sidday maamulka cusub ee gobolka Gedo oo laga soo celiyay Garbahaarey.

Diyaarad sidday maamulka cusub ee gobolka Gedo oo laga soo celiyay Garbahaarey.

Diyaarad sidday maamulka cusub ee gobolka Gedo oo laga soo celiyay Garbahaarey.
Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta diyaarado ka baxay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliyaa, kuna sii jeeday gobolkaas laga soo celiyay magaalada Garbahaarey oo xarun u ah Gedo.
Diyaaradaha oo labo ahaa ayaa mid kamid ah waxa ay waday mas’uuliyiinta maamulka cusub ee uu dhowaan madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe u magacaabay gobolkaasi, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.
Wararka ayaa sheegaya in labada diyaaradood ay is hortaag ku sameeyeen mas’uuliyiintii horay ugu sugnaa gobolka oo kaasnahaya dadka deegaanka ee weli diidan Jubbaland.
Labada diyaaradood ayaa lagu soo warramayaa inay haatan ku soo laabteen gudaha magaalada Muqdisho oo ay markii hore ka baxeen, maadaama dib loo soo celiyay.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qorshaha mas’uuliyiintan lagu geynayay Gedo ay qayb ka aheyd dowladda federaalka, balse haatan lagu guul darreystay.
Xaaladda ayaa haatan kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxaya labada dhinac oo ku aadan is hortaagga lagu sameeyay mas’uuliyiinta cusub ee maamulka gobolka Gedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.