Home Afsomali Maxaa looga hadlay Kulankii Maanta ee Golaha Wasiirada Soomaaliya?

Maxaa looga hadlay Kulankii Maanta ee Golaha Wasiirada Soomaaliya?

Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa Maanta ka qabsoomay magaalada muqdisho.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay amniga dalka, iyadoo lagu ansixiyay Heshiiska Dhismaha Xarunta Dhaxe ee Sanduuqa Caalamiga ah ee horumarinta iyo qorshaynta ee (WFDP) oo laga hirgelinayo Soomaaliya.

Golaha Wasiirrada ayaa warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka, ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga oo soo bandhigay guulihii ay ciidamada qaranka ka gaareen xasillinta iyo xoreynta goobaha ay dalka kaga sugan yihiin Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Xubnaha Golaha Wasiirada ah inay dardar geliyaan howlahooda Shaqo, isla markaana ay si wanaagsan ugu adeegaan Shacabka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.