Home Afsomali Full VIDEO Barnaamijka Horumarka Hirshabelle State

Full VIDEO Barnaamijka Horumarka Hirshabelle State

ku soo dhawaada barnaajijka wareysiyada somalisan  oo aan wareysi kala duwan kula yeelaneyno Shacab iyo masuuliyiin ku sugan magaalo madaxda gobolka Sh/dhexe ee Jowhar caasimada hirshabelle state waxaan barnaamijka idiin daadihinaya Aniga oo ah Muuse Maxamuud Jiisow

Barnaamijka waxaa marti inoogu ah Gudoomiye ku Xigeenka Baarlamanka hirshabeel Xildhibaan Cabdi Xusen Geedi Gudoomiyaha Gobolka sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan Taliyaha Saldhiga  Bolice ka jowhar dhame Maxamed Siyaad Cali Canjeex iyo Qaar ka mid ah Beeraaleyda Dagmadaas

Daawadayaal inta lagu gudo jira barnaamijkaan   waxaan wax ka weydiin doonaan xaalada guud Ee Maamulka Hirshabelle  , ugu horeyn een ku soo dhaweeyo Gudoomiyaha Gobolka Shabelleha dhexe Axmed meyre makaraan   sidaa ayeyna iskuugu xigxigi doonaan

dhamaantiin Mahadi haidinka gaarto tan iyo inta aan Barnaamij midkaan la mid ah aan hawada ku kulmi doono waa aniga iyo farsamayaqaan Saciid Xaamuud Saalim iyo  bahda somalisan  oo idin leh asalaamu Caleykum waramatulaahi

Warqad kasoo baxday xaafiiska madaxweynaha maamulka  Hir-Shabeelle Maaxmed Cabdi Waare ayaa lagu dalbaday in la joojiyo duullimaadyada tayidka ah ee ka dega magaalooyinka uu ka arimiyo maamulka Hir-Shabeelle.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in aan in duullimaad gaar ah oo aan fasax heysan uusan kasoo degi karin garoomada deegaannada Hir-Shabeelle, waxaana sababta lagu tilmaamay in amarkani la xariiro xaaladda deg dega ah ee dalku galay.

“Anaga oo tix gelinayna xaaladda caafimaad ee deg dega ah ee wadanku ku jiro, gaar ahaan dowlad goboleedka Hir-Shabeelle, waxaan ha kinay dhamaan duullimaadyada rayidka ah ee soo aada Hir-Shabeelle, sidaas darteed waxaan idinka codsaneynaa in aad naga tala gelisaan duullimaadyada oo soo dalbada codsi gaar ah”ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xaafiiska Madaxweynaha Hir-Shabeelle Waare.

Sidoo kale warqadan ayaa lagu cadeeyay in Hir-Shabeelle aysan ogolaan doonin duullimaad rayid ah oo aan fasax ka heysan in uu  mar dambe kasoo dego garoomada maamulkan, waxaana la fasaxay oo sidoodii duullimaadyada u sii wadan kara, diyaaradaha sida gurmadka iyo samafalka ee UN-ka iyo AMISOM.

“Ma ogolaan doono duullimaad aan heysan fasax gaar ah, ee ay wada gaareen wasaaradda iyo dowlad goboleedka Hir-Shabeelle, duullimaadyada gurmadka iyo samafalka ee UN-ka iyo AMISOM, waxay ku soconayaan sidii hore ay u qorsheysteen”ayaa sidoo kale lagu yiri go’aankan kasoo baxay Hir-Shabeelle.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.