Waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya lagu soo gabagabeeyay shir u dhexeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya, Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka kaas oo looga hadlayay barnaamijka ECF(Extended Credit Facility) ee hannaanka Deyn Cafinta.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo shirkaan soo xiray ayaa sheegay in 4-tii maalin ee uu shirkaan socday diirada lagu saaray arrimaha mudnaanta u leh dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya iyo dhameystirka Barnaamijka Deyn Cafinta oo inta badan Sharuudaha horumar wany laga sameeyay.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa xusay in tallaabooyin iyo wadashaqaynta hadda laga gaaray Barnaamijka ECF ee IMF ay ku dhawaynayso waddada dhammeystirka guud ahaan Deyn Cafinta Soomaaliya.