Home Afsomali Madaxweyne Deni oo Magacaabay 22 Xubnood oo ka Tirsan Garsoorka Puntland

Madaxweyne Deni oo Magacaabay 22 Xubnood oo ka Tirsan Garsoorka Puntland

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa saddex maalmood ka hor dikreeto ku soo saaray isku shaandhayn lagu sameeyay garsoorayaasha iyo xeer ilaaliyaasha maxkamadaha derejada kowaad iyo rafcaanka gobollada Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa ansixiyay isku shaandhayntan oo guddiga sare ee garsoorka Puntland uu ku sameeyay garsoorayaasha iyo xeer ilaaliyaasha maxkamadaha rafcaanka iyo derejada kowaad ee gobollada puntland , iyadoo qaarkood la isku beddelay halka qaar kalena la dallacsiiyay.

Xubnaaha Garsooraayaasha oo ku soo baxay liiskan ayaa imtixaan laga qaaday magacaabistooda ka hor, inkastoo wararka qaar sheegayaan in guddoomiyaha loo magacaabay maxkamadda derejada kowaad ee degmada Boosaaso aanu gelin imtixaankaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.