Home Afsomali Ciidanka DANAB iyo kuwa Jubbaland oo howlgal wadajir ah fuliyay

Ciidanka DANAB iyo kuwa Jubbaland oo howlgal wadajir ah fuliyay

Ciidamada gaar ah ee Kumaandooska ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab iyo Daraawiishta  dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa howlgallo ballaaran ka fuliyey deegaanada u dhaxeeya Janaay Cabdalle iyo Degamada Afmadow, halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab

Ciidamada ayaa howlgalkooda sigaar ah uga fuliyay degaannada kala ah Harboole, Miido, iyo Biibi, waxaaana dagaal kooban oo halkaasi ka dhacay ay saraakiisha Ciidamadu sheegeen in khasaaro xoogan ku gaarsiiyeen Al-Shabaab.

Saraakiil katirsan Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa xaqiijinta Amniga iyo isku furista deegaanada gobolka Jubada Hoose gaar ahaan Janaay Cabdalle iyo Afmadow, halkaas oo mararka qaar ay weeraro ka fuliyaan Al-Shabaab.

Sidoo kale Saraakiisha waxaa ay sheegeen in Ciidamada inta ay howlgalka ku jireen ay burburiyeen Saldhigyo ay ku dhibaataynayeen dadka shacabka Al-Shabaab, isla markaana howlgallada ay sii wadi doonaan.

Howlgalkan ay Ciidamada Kumaandooska DANAB iyo kuwa Jubbaland ka sameyeen degaano u dhaxeeya Cabdalle iyo Afmadow ayaa kusoo aadaya xilli shalay Gelinkii hore ay duleedka Kismaayo ku dagaalameen Ciidamada DANAB iyo kuwo katirsan Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.