Home Afsomali Madaxda ugu sareysa ee Dowlada oo haweenka u ogolaaday qoondada boqolkiiba sadon...

Madaxda ugu sareysa ee Dowlada oo haweenka u ogolaaday qoondada boqolkiiba sadon ah ( DAAWO SAWIRADA )

xasan-jawaari-haween-4

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa Xarunta Madaxtooyada kulan kula yeeshay haweenka xubnaha ka ah Baarlamaanka Federaalka iyo haween ka tirsan ururrada bulshada Rayidk ah.

Kulankan oo looga hadlayey qoondada 30% ee haweenka ku leeyihiin goleyaasha qaranka, ayaa Madaxweynaha waxaa uu haweenka u sheegay in shirkii Madasha Hoggaamiyeyaasha ee bishii August lagu go’aansadey in si buuxda loo fuliyo qoondada haweenka ee doorashada 2016.

xasan-jawaari-haween-1

xasan-jawaari-haween-2-1

xasan-jawaari-haween-4

xasan-jawaari-haween-6

Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay inay si buuxda u taageersan yihiin qoondada haweenka ee goleyaasha qaranka, iyagoo kula dardaarmey inay u midoobaan gaarista hadafkooda siyaasadeed, isla markaana ay door weyn ku yeeshaan talada iyo dib u dhiska dalka.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.