Tirada dhimashada ayaa kor u sii dhaafeysa 40 ruux kadib markii diyaarad nooca qumaatiga u kaca ay gantaal ku dhufatay doon ay la socdeen qaxooti Soomaaliyeed oo ku sii jeeday dalka Suudaan, kana ababaxday xeebaha Yemen.
Qaar ka mid ah dadkii laga soo badbaashay doonta ayaa sheegay in ay u socdeen dalka Sudan, ayaga oo ka baxsanyey dagaallada ka socda dalka Yemen.
Saraakiil ka tirsan ururka socdaalka adduunka ee IOM ayaa sheegay in qiyaastii 80 qaxooti ah la soo badbaadiyey, islamarkaana loo qaaday magaalada Xudeyda.
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyntii loo geystay dooni ay dad Soomaali ah saarnaayeen, taasoo maraysay badda Yemen kuna socotay dalka Sudan.
Inta la xaqiijiyay 40 qof ayaa ku dhimatay duqeyntaasi, waxaana weli la la’ yahay 15 kale.
Dhaawaca 7 ka mid ah dadkii weerarka ka badbaaday ayaa lagu daweynayaa goobo caafimaad oo ku yaalla magaalada dekadda ah ee Xudeyda.
Su
leyman Maxamed Cali waa Soomaali ku nool magaalada Sanca, waxaana uu xiriir la sameeyay mas’uuliyiinta Yemen ee gacanta ku haya dadka soo badbaaday.
Mucaaradka Xuutiyiinta Yemen ayaa ku eedeeyey isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo inay fuliyeen weerarka. Isbaheysiga ayaa dhowaanahan duqeymo culus ku waday magaalada Xudeyda, ayaga oo ku eedeeyey mucaaradka shiicada inay hub kasoo geliyaan.
dhalinyarada duqeynta lagu dilay iyo kuwa dhaamacmay ayaa qaarkood magacyadoodu kala yihiin
Magacyada dhallintii ku geeriyootay Duqayntii Diyaaradaha Sucuudiga.
1:Deeq Mahad Faarax oo kasoo jeeda Laascaanood (Dhimasho)
2:Xafsa Cumar Daroori oo kasoo jeeda Laascaanood (Dhimasho)
3:Ayaan Maxamed oo kasoo jeeda Laascaanood (Dhimasho)
4:Faadumo Yuusuf Haybe oo kasoo jeeda Laascaanood (DHimasho)
5:Aaamina Baaxeer oo kasoo jeeda Burco Dhimasho Balse si rasmi ah looma xaqiijin.
6:Hibaaq Axmed Tarabi oo kasoo jeeda Burco oo wali dhimashadeeda lagu muransan yahay.
7:Muxumed ISmaaciil oo kasoo jeeda Hargeysa (Dhimasho)
8:Maxamed Aadan Cabi( Maxamed Timo) oo kasoo jeeda Burco (Dhimasho)
9:Cabdiraxman hassan mohamoud oo dhaawac ah kana badbaaday duqayntaas kana soo jeeda laascaanood.
10:Maareeye Cabdiraxmaan oo dhaawac ah kana badbaaday duqayntaas kana soo jeeda laascaanood.
11:Cabdi Xasan oo dhaawac ah kana badbaaday duqantaas kana soo jeeda Laascaanood.
12:Guuleed Cabdifataax Giirre oo kasoo jeeda Hargeysa (Dhimasho)
13:Cabdirisaaq Dayyaxo kana soo Jeeda Burco (Dhimasho)
14:Xamdi Xasan Faahiye oo kasoo jeeda Laascaanood waa dhaawac.
15:Ibrahim Ahmed Sacadaale (Dhimasho).
Isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo, islamarkaana Mareykanka uu taageero ayaa duqeymo ka fulinayey dalka Yemen tan iyo sanadii 2015, ayaga oo isku dayaya inay magaalada Sanca ka bixiyaan gacan ku haynta Xuutiyiinta.
Ugu danbeyntii, mucaaradka Shiicada ayaa weli gacanta ku haya Sanca iyo inta badan waqooyiga Yemen. Illaa iyo iminka dagaalka Yemen ayaa waxaa ku dhintay qiyaastii toban kun oo shacab ah.
Arintan ayaa noqoneysa dhimashadii ugu badneyd ee soo wajahday qaxooti Soomaaliyeed oo markii hore ka barakacay dalkooodii hooyo, balse mar kale ka sii barakacay dagaallada dalkii ay maciin bideen ee Yemen, hasse ahaatee ugu danbeyntii geeriyooday iyaga oo safar u sii ah dal saddexaad.
https://youtu.be/Z7mcG4NESDM
https://youtu.be/m5Lma7tiNc8
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0