RA’IISUL WASAARE KU XIGEENKA XFS AYAA TABABAR SOCDAY AFAR MAALIMOOD USOO XIRAY SARAAKIIL IYO SARAAKIIL XIGEEN KATIRSAN CIIDANKA XDS
Muqdisho,22 juun 2023, Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS ahna kusimaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa tababar la xariira Isku Xirka Shacabka & Ciidanka XDS usoo xiray Saraakiil Iyo Saraakiil Xigeeno katirsan Ciidanka XDS kuwaas oo qaadanayay muddo dhan afar casho.
Tababarka oo ay soo agaasintay Madaxa Hoggaanka Isku Xirka Shacabka Ciidanka XDS G/dhexe Iimaan Maxamuud Cali ayaa u jeedkiisu ahaa kor u qaadida tayada Saraakiisha &Saraakiil xigeenada Ciidanka XDS ee ka shaqeeya arrimaha bulshada.





+13
Like
Comment
Share