Xatooyada xoolaha dadweynaha waxay la mid tahay Alshabaab isku si ayaan uga dagaalamayaa Xatooyada Xoolaha dadweynah waa xaaraan tuug yaan la difaacin Xil lacag lagu qaadaa ninka raadinaya waa tuug Shaabka naqarxinaaya iyo kan tuugaa nooma kala sokeeyaan
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidul Carafa ayaa dul istaagay caqabadaha curyaamiyey nolasha dadka Soomaaliyeed oo musuq-maasuqu ugu horreeyo.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay heleyaan dowladnimo dhammeystiran, isku filnaan iyo nolol wanaagsan oo sharaf iyo karaamo leh markii la cirib-tiro musuqmaasuqa, waxa uuna wacad ku maray in dowladda ay si la mid ah Khawarijta ula diriri doonto xatooyada xoolaha dadweynaha.