Home Afsomali Farance nin bastoolad askari ka dafay oo toogasho lagu dilay

Farance nin bastoolad askari ka dafay oo toogasho lagu dilay

Nin ayaa lagu dhex toogtay saaka 8:30 garoonka diyaaradaha ee Orly oo ku yaalla magaalada Paris ee dalka France, ninka la toogtay ayaa mid kamid ah askarta ammaanka sugta ka dafay bistoolad kaddibna ku dhex carary suuq ku yaala garoonka gudihiisa.
Bilayska la dirira argaggixisada ayaa baadigoob ka wada garoonka oo laga yaabo in qofka dhintay uu meel kamid ah uga tagay wax qarxi kara, waxaana loo digay dadka inay goobta baaristu ka socoto ka dheeraadaan.
Garoonka Orly oo ah midka labaad ee ku yaalla caasimadda Paris ayaa muuqaalo laga soo duubay waxaa laga dareemayaa argaggax ka muuqda dadkii ku sugan garoonka intay socotay daad-guraynta.
Duulimaadyadii   soo caga-dhigtay garoonka ayaa lagu hakiyay barxadda garoonka iyo dadkii saarnaa, waxaana laga codsaday inay ku sugnaadaan diyaaradda inta baaristu ka dhammaanayso.
TV  laga leeyahay France BFM  ayaa kusoo warramay inuu nin isku dayay inuu askari ka dafo bastoolad  kaddibna askarigii uu rasaas ku furo ninkii soo weeraray.
Bilayska  waxay kaloo raadinayaan inay jirto cid kale oo falkaa ku wehelisa ninka la toogtay ama waxyaabo qarxa.
Bilayska ayaa baraha bulshada ku qoray . “Wali waxaa socda baaris, waxaan ogaysiinaynaa dadka inay ka dheeraadaan garoonka.”
Qof rakaab ah oo wali saaran diyaaraddii uu la socday oo barxadda garoonka ku sugan ayaa isna ku qoray Twitter, “Rasaas ayaa laga maqlayaa garoonka Orley terminalka koonfureed
Gabar la yiraahdo Isabelle Raynaud ayaa iyaduna Twitter waxay ku qortay. “Waxaan ku xannibanahay diyaaraddii garoonka Orly rasaas ayaa ka dhacday”.
Dalka France ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay ku jira sharci ah “Xaalad degdeg ah” kaddib weerarro is xigxiga oo ka dhacay dalka oo ay ka dambeeyeen Daacish iyo Alqaacidda
Maxamed Jaamac Faarax

https://youtu.be/Z7mcG4NESDM

https://youtu.be/m5Lma7tiNc8

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.