Madaxwaynihii hore Puntland Dr Abdiweli Mohamed Ali Gaas iyo Wasiirki hore ee Ganacsiga DFS Cabdirashiid Cirro ayaa kulan la qaatay Islaan Bashiir Islaan Cabdile.
kulanka oo u badnaa is xog waraysi, ayey kaga Wada hadleen xaaladaha amniga Puntland guud ahaan iyo gaar ahaan gobolka Sool oo ay masuuliyiintu dhiiri galiyeen in si wayn looga qayb Qaato difaaciisa.
Masuuliyiinta ayaa uga mahadceliyey safarka Islaanka iyo Isimadda kale ay ku yimaadeen Garoowe si ay qayb uga noqdaan xalka dagaalki ka dhacay Garoowe iyo guud ahaan in Puntland isku duubnideeda laga wada shaqeeyo.