Home Afsomali Ruux isku soo xirey walxaha qarxa oo isku miidaamiyey suuq ku yaal...

Ruux isku soo xirey walxaha qarxa oo isku miidaamiyey suuq ku yaal dagmada Daafeed

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellaha Hoose Madaale Xaaji Cabdalle ayaa sheegay in qofka weerarka fuliyey uu beegsaday suuq qaadka lagu iibiyo oo ku yaala Bartamaha Degmada Wanlaweyn

“Ismiidamiye ka tirsan Al-Shabaab ayaa suuqa qaadka isku qarxiyey, wuxuuna galaaftay noloshiisa iyo 14 qof oo kale, isaga oo dhaawacay in ka badan 15 kale” Sidaasi waxaa isheegay Guddoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellaha Hoose Madaale Xaaji Cabdalle

Degmada Wanlaweyn ayaa waxaa ku yaalla saldhigga milatari ee Belidoogle oo ay ku sugan yihiin ciidmada gaarka u tababaran ee Soomaaliya, iyo tababerayaal Mareykan ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.