Agaasime dalka baxsad uga maqan oo baraha bulshada soo dhigay iscasilaadiisa sharafta leh
Agaasimihii Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya C/qaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa shaaca ka qaaday inuu isk casilay xilkii hey’addaas, una gudbiyay istiqaaladiisa Wasaaradda Amniga Gudaha.
Mr Cabdul ayaa ka mid ahaa 18 xubnood oo Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka ku eedeysay musuq maasuq iyo lunsasho xoolo dadweyne, waxaana eedeyntan uu ku tilmaamay mid siyaasadeysan oo Xafiisyada lagu go’aamiyay, iyadoo la hiigsanayo jago iyo shaqo.