Home Afsomali Wasiirka Maaliyadda oo ka laabtay Shaqa joojintii Agaasimayaasha iyo cadaadis la saaray...

Wasiirka Maaliyadda oo ka laabtay Shaqa joojintii Agaasimayaasha iyo cadaadis la saaray amar madaxtooyada kaga yimid darteed

Wasiirka Maaliyadda XFS Dr Cilmi Maxamuud Nuur ayaa laalay shaqo joojintii uu shalay ku sameeyay Xisaabiyaha Guud iyo Agaasimaha Guud ee Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda oo labadaba uu shalay shaqada uga joojiyay amar diido iyo wada shaqeyn la’aan.

Wareegtada uu shaqo joojinta kaga laabtay Wasiirka Maaliyadda ayaa lagu sheegay in laalista ku xusan wareegtadan aanay burineynin jiritaanka eedeymaha maamul sidaa darteed Agaasimaha Guud iyo Xisaabiyaga Guud Digniin, iyadoo madaxda Wasaaradda si dhow ula soconayaan gudashada iyo hoggaansanaanta waajibaadka shaqo ee ay farayaan.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Wasiirka Maaliyadda uu cadaadis kala kulmay Madaxtooyada iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ku aadaneyd tallaabadii uu shalay shaqo joojinta ugu sameeyay Xisaabiyaha Guud iyo Agaasimaha Guud ee dakhliga, sidaas darteed uu wareegtada uu maanta soo saaray kaga laabtay.

Wasiirka Maaliyadda XFS Dr Cilmi Maxamuud Nuur ayaa warqadii Shaqa joojinta ee shalay uu soo saaray waxaa ku xusneyd in Maxamed Cabdiraxmaan Anas oo ah Xisaabiyaha guud oo kamid ah Kooxda Madaxweynaha Soomaaliya, dhawaana lamagacaabay ayaa lagu eedeeyey dambiyo waa weyn oo ay kamid yihiin in uu toos u damiyey Systemkii SFMIS ee Canshuuraha Berriga ee dalka, curyaamiyey bixinta Mushahaaraadka dawladda oo dhan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.