Home Afsomali KULANKA MAAREEYAYAASHA GAROOMADA DIYAARADAHA SOOMAALIYA OO MUQDISHO KA FURMAY

KULANKA MAAREEYAYAASHA GAROOMADA DIYAARADAHA SOOMAALIYA OO MUQDISHO KA FURMAY

KULANKA MAAREEYAYAASHA GAROOMADA DIYAARADAHA SOOMAALIYA OO MUQDISHO KA FURMA

Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawda Xukuumadda Faderalka Somalia Mudane Xildhibaan Cabdikariim Cabdow Xaydar oo uu wahelanayo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawda Mudane Prof; Axmed Cumar jamac, ayaa maanta Muqdisho ka furay shirka maareeyayaasha Garoomada diyaaradaha Dowlad Goboleedyada kala ah Puntland, Galmudug, Hirshabelle , Koonfur Galbeed iyo Jubbaland. Waxaana uu socon doonaa 5 cisho, Iyaddoo looga hadli doono inta uu socdo baahiyaha garoomadaasi iyo sida wax looga qaban karo dhinaca ammaanka iyo hormarinta.

Waxaana ka mid ah Madaxda kale ee kulanka Joogay, Agasimaha Guud Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawda Hon: Bashiir Maclin Xasan, Mareeyaha Hay’adda Duulista Axmed maclin Xasan, Mareeye Kuxigeenka Hay’ada Abdiwali Gadhyare, Mareeyaha Garoonka Aden Cade international Airport Mohamed siciid iyo Madaxda kale ee ka socotay Dawlada Goboleedyada Dalka.

-DHAMAAD-

Wixii, Faah-faahin ah kala xiriir
Mohamed abdi Faradheere
Madaxa Qaybta Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada
Emil media.motca.gov@gmail.com
Info@motca.gov.so
https://www.facebook.com/profile.php?
Twitter: https://twitter.com/motcaSom?
Website: https://motca.gov.so//
https://www.instagram.com/p/

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.