Agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya Xuseen Sheikh Maxamuud, ayaa sheegay dowladda Soomaaliya in aysan u qorshaysnayn in ay muddo kordhin sameysato, taas beddelkeedna ay doonayso in la mideeyo doorashooyinka heer federal iyo heer dowlad goboleed.
“Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud iyo baarlamaankiisa mandate-kooda waa afar sano. Afartaas sano ayay dhameysanayaan. Ku darsasho dhanka federalka ah ma jirto. Haddii 5 sano laga dhigana, waxay ka bilaabanaysaa Dowladda soo socota,” ayuu yiri agaasimaha madaxtooyada.
Xuseen Sheikh Maxamuud, wuxuu sheegay Dowladda inay diyaar u tahay in ay dhegaysato cid kaste oo aragti ka qabta heshiiska qaab dhismeedka doorashooyinka, isagoo sheegay madaxweynuhu inay ka go’an tahay inuu dalka ku maamulo wadatashi iyo isqancin.
Wuxuu sheegay talooyinka kasoo baxa wadatashiga uu haatan madaxweynuhu laleeyahay madaxdii hore ee dalka, in ay kusoo dhamaan doonaan in la horgeeyo baarlamaanka Soomaaliya.