Home Afsomali Amniga xarunta G/Banaadir oo la xoojiyey iyo Booliska oo amar soo saaray

Amniga xarunta G/Banaadir oo la xoojiyey iyo Booliska oo amar soo saaray

https://www.youtube.com/watch?v=TArOmm2M0pE

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho  Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa guddoomiyay kulan looga hadlayay dardar galinta amniga xarunta dowladda hoose ee Xamar.

Waxaa sidoo kale kulankaas ku wehliyey Guddoomiye ku-Xigeenka Amniga, siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye iyo masuuliyiin kale.

Kulankan oo uu goob joog ka ahaa taliyaha cusub ee Ciidanka Birimadka Boliiska Soomaaliyeed ayaa Duqa Magaalada Muqdisho  Madaale iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya waxa ay fareen saraakiisha ciidanka ilaalada xarunta dowladda hoose in ay muujiyaan foojignaan dheeri ah.

Waxaa ciidankaas lagu amaanay sida dhiiranaanta leh oo ay uga hortageen weerarkii 22-January ee sanadkan lagu soo qaadday xarunta Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.