In ka badan 60 ka tirsan dagaalamayaasha kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal ay iska kaashadeen ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka oo ka dhacay deegaanka Ceel-dhuun Agoow ee gobolka Baay.
Wasaaradda Warfaafinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya howlgalka ayaa waxay sheegtay inay howlgalkan iska kaashanayaan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah howlgallada qorsheysan ee dhawaan ka billowday deegaannada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, kuwaasi oo lagu doonayo in lagu cirib tiro Al-Shabaab, isla markaana lagu soo celiyo nabadda iyo ammaanka deegaanada maamulkaasi.
Howlgalkan ayay dowladdu sheegtay inuu dhabar jab weyn ku yahay Al-Shabaab oo marar badan mas’uul ka ahaa weeraro ka dhacay Soomaaliya iyo dalalka deriska la ah.