Home Afsomali Madaxweyne Xassan Shiikh oo xil cusub u magacaabay Cabdullaahi Maxamed Nuur oo...

Madaxweyne Xassan Shiikh oo xil cusub u magacaabay Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka tirsanaa Golihii badbaado qaran

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur in uu noqdo La-Taliyaha Sare ee Madaxweynaha ee ka Hortagga iyo La dagaalanka Fikradaha Xagjirka ah ee Rabshadaha Wata.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey La-Taliyaha Sare ee ka Hortagga iyo La dagaalanka Fikradaha Xagjirka Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu u igmaday.

Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ah ganacsade ka taajiray qandaraasyada dowlada ayaa ka mid ahaa siyaasiyiintii sida weyn u mucaaraday dowladii Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale, waxaa uu si weyn ugu lug lahaa khilaafkii xooganaa ee ka dhex jiray farmaajo iyo RW Rooble, kaasoo sababay in RW Rooble uu xilka Wasaarada amniga u magacaabo Cabdullaahi Maxamed Nuur ka dib markii uu shaqada ka ceyriyey wasiirkii xilkaas hayey oo ka mid ahaa ragga siyaasad ahaan taageersan Farmaajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.